HomeWararSawirro:- Guddoomiye Taabit Cabdi”Kubbadda Cagta Waxaan ku gaarnay Is-dhex-gal Bulsho

Sawirro:- Guddoomiye Taabit Cabdi”Kubbadda Cagta Waxaan ku gaarnay Is-dhex-gal Bulsho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cadi Maxamed ayaa hambalyo u diray xulka kubbadda cagta dowlad goboleedka Jubaland oo ku guuleystay tartanka kubbadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Thaabit ayaa u mahadceliyay Muqdishaawiyiinta, howlwadeennada gobolka Benaadir, wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo suurtageliyay in uu tartankaan si guul ah ku soo dhamaaday.

“Muddada kooban gudaheed Ayaan ugu diyaar garoownay martigelinta koobka, maxaa yeelay waxaan ku kalsooneyn dadka reer Muqdisho oo martigelinta ku wanaagsan, xaqiiqdiinna waa laga dareemay habsami u socodka tartanka” ayuu yiri Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi.

“Ujeedada ugu weyn ee aan tartankaan ka lahayn waxa ay ahayd inaan dib u soo celnno rajada dadkeena oo aan tusno muuqaalka wanaagsan ee dhallinyaradeenna oo aan dunida u sheegno inaan leennahay dhallinyaro dunida wax la qeybsan kara, taasna waad caddeyseen oo waan idiinkaga mahadcelineynaa”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay kooxaha tartanka ka qeyb galay oo muujiyay ciyaar wanaag, loollan xirfad ku dhisan iyo walaalnimo, waxa uuna ballan qaaday in Muqdisho oo shacabkeeda iyo maamulkeeda wadata ay mar walba diyaar u tahay martigelinta kulamada bulsho.

Markii labaad ayey magaalada Muqdisho martigelisay tartankan oo sabab u noqday isdhex-gal-bulsho isla markaana muujiyay ifafaalo nabadeed dalka ka muujiyay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories