HomeWararSheekh Axmed Shaakir oo ku wajahan Guriceel kadib heshiiskii uu la galay...

Sheekh Axmed Shaakir oo ku wajahan Guriceel kadib heshiiskii uu la galay Madaxda Galmudug

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maanta ayaa la filayaa in degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud uu dib ugu laabto hoggaamiyaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca balse ku biiray Maamulka Galmudug. Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Maalmahaan ku sugnaa Muqdisho kadib heshiiskii uu la galay Madaxda Galmudug,waxaana haatan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb laga dareemayaa soo dhaweynta Sheekh Axmed Shaakir. […]

- Advertisement -

Maanta ayaa la filayaa in degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud uu dib ugu laabto hoggaamiyaha Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca balse ku biiray Maamulka Galmudug.

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Maalmahaan ku sugnaa Muqdisho kadib heshiiskii uu la galay Madaxda Galmudug,waxaana haatan Guriceel iyo Dhuusa Mareeb laga dareemayaa soo dhaweynta Sheekh Axmed Shaakir.

- Advertisement -

Ammaanka magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ayaa loo adkeeyay,waxana madaxa Xukuumadda Cusub ee Galmudug markii uu dib ugu laabto deegaanadiisa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka gobolada dhexe.

Sidoo kale waxaa la filayaa maalmaha soo socda in degmada Dhuusa Mareeb uu tago Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, si loo dhameystiro heshiiskii iyo isku biiritaankii Galmudug iyo Ahlusuna.

Magaalada Dhuusa Mareeb gaar ahaan Xarumaha Maamulka ay ku Shaqeeyaan ayaa waxaa laga taagay Calanka Maamulka Galmudug taas oo muujineysa in ay midoobeen.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories