HomeWararMuqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo kulmay

Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo kulmay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa kulan ku wada qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Shabaab balse sheegay in uu ka baxay kaas oo shalay Gelinkii dambe halkaasi gaaray. Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa kulan ku wada qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Shabaab balse sheegay in uu ka baxay kaas oo shalay Gelinkii dambe halkaasi gaaray.

Kulankaan ay wada qaateen Axmed Madoobe iyo Muqatar rooboow oo ahaa mid aan horay loosii shaacin ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu horay Maamulka Jubbaland u qorsheeyay.

- Advertisement -

Muqtaar Rooboow iyo Axmed Madoobe oo ahaa Saaxiibo hore ayaa isla gorfeeyay qaabka loo wajihi karo dagaalka Al-Shabaab iyo fursadaha loo heysto waqtigaan.

Dhanka kale Maanta ayuu Muqtaar rooboow booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo,isaga oo intaasi kadib dib ugu soo laaban doona Magaalada Muqdisho.

Muqtaar Roobow ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay isaga oo marti u ahaa Madaxweyne Shariif Xasan waxa uuna kormeeray Xerooyin ciidan.

- Advertisement -

 

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories