HomeWararXaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliland oo Maanta ka dhaceysa Hargeysa

Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliland oo Maanta ka dhaceysa Hargeysa

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland Maanta waxaa la filayaa in ay ka dhacdo Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Diyaar Garoow ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada Hargeysa,iyada oo Wufuud Heer Caalami ay gaareen Hargeysa halka kuwo kale ay haatan ku wajahan yihiin si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka […]

- Advertisement -

Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland Maanta waxaa la filayaa in ay ka dhacdo Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Diyaar Garoow ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada Hargeysa,iyada oo Wufuud Heer Caalami ay gaareen Hargeysa halka kuwo kale ay haatan ku wajahan yihiin si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada xil wareejinta ayaa sheegay in munaasabada loo qorsheeyay in ay ka qeyb galaan 1,500 Qof oo ka kala imaanaya daafaha Caalamka.

Sidoo kale Xil wareejinta kadib ayaa Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Siilanyo uu wareejin doono dhammaan dukumiintiyada uu ku Shaqeynayay,si heshiisyadii uu galay Maamulka uu Muuse Biixi dhameystiro.

Ammaanka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana la arkayaa Ciidamada Soomaaliland oo taagan Wadooyinka waaweyn e Magaalada Hargeysa,kuwaas oo la socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo Gaadiidka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories