HomeCaalamkaWasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo...

Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka. Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka […]

- Advertisement -

Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

- Advertisement -

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

- Advertisement -

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories