HomeCaalamkaQM oo shaacisay tirada Dadka Sanadkaan lagu dilay Soomaaliya

QM oo shaacisay tirada Dadka Sanadkaan lagu dilay Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Warbixin ay Qaramada Midoobay faafisay Axaddii Maanta taa  oo lagu magacaabay “Ilaalinta Dadka Rayidka: Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, ayna soo saareen Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay ka hadlaysaa muddada ka billaabata 1da Janaayo 2016 ilaa 14ka Oktoobar 2017.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Colaadda hubaysan ee Soomaaliya ay weli khasaare culus u geysata dadka rayidka, burburisa kaabayaasha iyo qaab-nololeedka, barakicisa malaayiin dad ah, kana horistaagta bulshada u baahan inay gargaarka bani’aadanimo,

- Advertisement -

Intii muddadan lagu jiray, UNSOM waxay diiwaangelisay tiro gaareysa 2,078 oo ah dhimasho dad rayid ah iyo 2,507 oo dhaawacyo ah. In ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxaa loo aaneeyay  Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxaa loo aaneeyay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa loo aaneeyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), boqolkiiba 12 na waxaa loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin.

“Ugu dambeyntii, khasaaraha ka dhasha guuldarrada lagu fashilmay in colaadaha Soomaaliya lagu xalliyo hab siyaasadeed wuxuu ku dhacayaa dadka rayidka ah,” ayuu yiri madaxa UNSOM, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Dhinacyada colaadda isku haya iyana marna wax ku filan ma sameynayaan si dadka rayidka looga ilaaliyo colaadda. Tani waa arrin ceeb ah.” Ayu yiri Mechal Keating

Dadka rayidka ah ayaa ahaa dhibbanayaal ay kooxo aan Dowladda ahayn u geysteen weerarro sharci darro ah – iyagoo si toos ah loo beegsanayo loona adeegsanayo bambooying aan loo meeldayin iyo weerarro ismiidaamin ah. Inta badan weerarradaas, oo uu mamnuucayo sharciga caalamiga ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ee xilliyada dagaalka, waxay u badantahay inay noqdaan dembiyo dadgaal, waxaana waajib ah in la aqoonsado kuwa geysta lalana xisaabtamo, ayay tiri warbixintu.

- Advertisement -

Dhacdadii ugu xumayd ee hal maalin dhacda waxay ahayd qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, 14kii bishii Oktoobar, ee ay saraakiisha dowladda Soomaaliyeed u aaneeyeen Al-Shabaab, ee tan iyo 1dii Diisembar si rasmi ah loo diiwaangeliyay inay ku dhinteen ugu yaraan 512 qof, iyo 316 qof oo ku dhaacantay.

Warbixintu waxay sii sheegeysaa in inkastoo tirada khasaaraha loo aaneynayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Booliska, iyo weliba AMISOM, ay aad uga yarayd tirada khasaaraha loo aaneynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Warbixintu waxay sidoo kale ku boorinaysaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay ansixiyaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan shrci fulinta, si loo xaqiijiyo in baaritaan wax ku ool ah la sameeyo, isla markaasna dacwad lagu soo oogo kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada halista ku ah sharciga calamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, dhibanayaashana loo helo xaal marin wax ku ool ah.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories