HomeMaqalDhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo ka jawaabay Eedeyn ka timid Darawalada Gaadiidka Muqdisho...

Dhageyso:-Taliska Xoogga dalka oo ka jawaabay Eedeyn ka timid Darawalada Gaadiidka Muqdisho & Afgooye

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maanta ayaa Darawalada Gaadiidka ka howlgalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxa ay dhigeen dibadbax ay uga cabanayeen isbaarooyin horleh oo ay sheegeen in ay soo dhigteen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Intaasi kadib Dalsan ayaa xiriir la sameeysay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si aan wax uga weeydiino eedeynta ku aadan […]

- Advertisement -

Maanta ayaa Darawalada Gaadiidka ka howlgalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxa ay dhigeen dibadbax ay uga cabanayeen isbaarooyin horleh oo ay sheegeen in ay soo dhigteen ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Intaasi kadib Dalsan ayaa xiriir la sameeysay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si aan wax uga weeydiino eedeynta ku aadan in ciidamada Milateriga ay isbaarooyin farabadan dhigteen Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

- Advertisement -

Taliyaha Ururka 15,aad qeybta 12 Apriil Gaashaanle dhexe Cabdirxmaan Salaad Xujaale hoggaaminayana Ciidamo howlgallo ka wada inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha ilaa Afgooye ayaa beeniyay Warka ka soo yeeray Darawalada Gaadiidka.

“Horta waxaan idiin sheegayaa in ay tahay been in isbaarooyin ay milateriga soo dhigteen Ceelasha Biyaha iyo Afgooye inta u dhaxeysa,waa dad neceb amniga iyo howsha la wado,wxay u adeegaan Alshabaab oo dadweynaha adeegsanaya ayuu yiri taliye Cabdiraxmaan.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dhowr isbaaro ay Wadada u taallo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Warbixinta Warkaan waxaa Afgooye ka soo diray Wariyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories