HomeCaalamkaDEG DEG:-Trump oo Quddus u Aqoonsaday Caasimadda Israa'iil

DEG DEG:-Trump oo Quddus u Aqoonsaday Caasimadda Israa’iil

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano. Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo […]

- Advertisement -

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.

- Advertisement -

In yar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Qaybta qadiimiga ah ee Qasa ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa’iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed “ilaa iyo amar dambe”.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories