HomeCaalamkaMuwaadin Somaaliyeed oo laga soo musaafuriyay dalka Filibiin

Muwaadin Somaaliyeed oo laga soo musaafuriyay dalka Filibiin

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Shabakadda Wararka ee Manila Times ee dalka Filibiin  waxay maanta daabacday in dalkaasi laga soo masaafuriyey Muwaadin Somali oo lagu magacaabo C/najax Maxamuud Aadan, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Baasaboor Swedish oo uusan lahayn. Manila Times waxay kaloo qortay in Ninkaasi oo 23-jir la qabtay, xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Caalamiga ee Manila, isla markaana uu raaci […]

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee Manila Times ee dalka Filibiin  waxay maanta daabacday in dalkaasi laga soo masaafuriyey Muwaadin Somali oo lagu magacaabo C/najax Maxamuud Aadan, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Baasaboor Swedish oo uusan lahayn.

Manila Times waxay kaloo qortay in Ninkaasi oo 23-jir la qabtay, xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Caalamiga ee Manila, isla markaana uu raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday magaalladda London,.

- Advertisement -

C/najax Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu bishii hore ee November 26-da tegay dalka Filibiin, isagoo isticmaalayey Baasaboor Somali, wuxuuna maalintii 2-aad isku dayey inuu Baasaboor kale oo Swdish ah ku sii dhoofo.

Xog-kaydiyaha Kombiyuutarada ee Shirkadda Diyaaradaha Filibiin (Philippine Airlines)ayaa laga ogaaday inuu C/najax Maxamuud Aadan horey uu Diyaaradaasi Baasaboor Soomaali ah uga soo raacay magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shabakadda Wararka Manila waxay qortay in Ninka Soomaaliga dib loogu celiyey magaalladda Dubai oo uu markiisii hore ka soo dhoofay.

- Advertisement -

Xigasho: manilatimes.net

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories