HomeCaalamkaAskar Kenyan oo ku geeriyootay shil ka dhacay Mandera

Askar Kenyan oo ku geeriyootay shil ka dhacay Mandera

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

3 Askar Kenyan ayaa geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu shalay gaari Milliteri kula qalibmay Jidka isku xira Ceel-waak, Kotula iyo Wajeer ee Mandera.

Taliye-xigeenka Koonfurta Mandera, Daniel Bundotich ayaa u sheegay Wargeyska NATION inay Ciiddankaasi la socdeen Kolonyo 3 gaari oo ka yimid Degmadda Wajeer, kuna sii jeeday Mandera.

- Advertisement -

Waxa uu beeniyey inay miino la kacday Gaarigaasi ama ay Alshabaab jidka u galeen, balse waxa uu xaqiijiyey in maydadka iyo dhaawaca loo duuliyey Nairobi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay 7 Askari ku dhaawacmeen Shil gaari oo Abaarihii 10-kii Barqanimo ee shalay ka dhacay Mandera.

Inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka hawl-gala Waddada isku xirta Garissa iyo Mandera, waxaana dhowr jeer halkaasi lagu dilay, laguan dhaawacay Askar Kenyan ah, iyadoo gaadiidka rayidka laga mamnuucay inay Jidkaasi adeegsadaan.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories