HomeCaalamkaUhuru Kenyatta”Al-Shabaab waxa ay halis ku yihiin Amniga dalka Kenya

Uhuru Kenyatta”Al-Shabaab waxa ay halis ku yihiin Amniga dalka Kenya

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa markale ku celiyay in Ururka Al Shabaab ay halis ku yihiin amniga dalkiisa, isagoona shacabka ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al Shabaab. Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in Shabaabku ay ka faa’iideysanayan kala qaybsanaanta shacabka reer Kenya, taasina looga gudbi karo shacabka oo la shaqeeya ciidamada. “Al Shabaab waxay halis […]

- Advertisement -

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa markale ku celiyay in Ururka Al Shabaab ay halis ku yihiin amniga dalkiisa, isagoona shacabka ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al Shabaab.

Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in Shabaabku ay ka faa’iideysanayan kala qaybsanaanta shacabka reer Kenya, taasina looga gudbi karo shacabka oo la shaqeeya ciidamada.

- Advertisement -

“Al Shabaab waxay halis ku tahay amniga Kenya, iyadoo ka faa’iideysanaysa kala qaybsanaanta shacabka reer Kenya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay midoobaan, halmeel-na ay uga soo wada jeestaan dhibaatada iyo cabsi gelinta ay ku hayso argagixisada.”

Waxaa uu ku celiyay haddii aysan shacabku la shaqaynin ciidamada inaanay ka adkaan karin Al Shabaab, iyaguna ay baqdin ku noollaan doonaan.

- Advertisement -

“Shacabka waxaan farayaa inay la shaqeeyaan ciidamadooda, haddii aanay shacabku la shaqaynin ciidamada, kama adkaan karaan Al Shabaab, cabsi ayaana ku noollaan doontaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay xero ciidamada lagu tababaro oo ku taala Gobolka Nakuru.

Universaltv

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories