HomeWararSawirro:-Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Koonfur Afrika

Sawirro:-Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow. […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow.

- Advertisement -

Safarkan shaqo ee qaadan doona muddo isbuuc ah ayaa ujeedadiiso tahay in Wasaaradda ay la tashi la sameeyso jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika iyo sidoo kale in wax laga ogaado qibradda dalka Koonfur Afrika ee ku aaddan arrimaha Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Muuqaal Baahiyaha Qaranka Soomaaliya la
hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Safiir Jamaal Barrow iyo shaqaalaha Safaaradda ay u soo dhaweeyeen, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Geedi-socdoka dib-u-eegista Dastuurka la qaadan doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, safarkan ayaa waxa uu biloow u yahay safaro ay Wasaaradda ku kala bixin doonto wadamo dhawr ah si dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay aragtidooda ugu darsadaan dib-u-eegista Dastuurka.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories