HomeWararSawirro:-Boliska Kenya oo ka hor tegay dad xoog ku geli lahaa...

Sawirro:-Boliska Kenya oo ka hor tegay dad xoog ku geli lahaa Madasha Caleema-saarka Uhuru Kenyatta

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay adeegsadeen sunta dadka ka ilmiyeysiisa, isku-day ay ku doonayeen inay ku xakameeyaan Kumanaan qof oo isku dayey inay   xoog ku galaan Garoonka Kasaraani oo ay ka dhacayso Munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Dhinaca kale, Boliska waxay kaloo sunta  dadka ka  ilmeysiisa ku kala eryeen Taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay adeegsadeen sunta dadka ka ilmiyeysiisa, isku-day ay ku doonayeen inay ku xakameeyaan Kumanaan qof oo isku dayey inay   xoog ku galaan Garoonka Kasaraani oo ay ka dhacayso Munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale, Boliska waxay kaloo sunta  dadka ka  ilmeysiisa ku kala eryeen Taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka, Raila Odinga oo iyaga qorsheynaya inay Kulan kale ku qabsadaan, balse laga horjoogsaday inay gaaraan goobta ay ku shiri lahaayeen.

- Advertisement -

War haatan soo dhacay ayaa sheegaya in Bolis badan oo wata Gawaarida Gaashaman la dhigay afaafka hore ee Dhismo uu deggan yahay Xildhibaan ka tirsan Mucaaradka Isbahaysiga NASA.

Wargeyska Nation ayaa qoray in Ciiddankaasi la dhigay guriga Xildhibaan Simba Arati oo ku yaalla Xaafadda Kileleshwa ee magaalladda Nairobi.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay Ciiddanka raadinayaan dhamaan gaadiidka soo galaya ama ka baxaya gurigiisa.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo Madaxda iyo Taageerayaasha Isbahaysiga NASA doonayaan inay Munaasabad Baroor-diiq ah ku dhigtaan Dhulka Jacarand ee Embakasi.

  1. C/qaadir Jakarta

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories