HomeCaalamkaMadaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxaya qaar ka mid ah Wadamada Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxaya qaar ka mid ah Wadamada Afrika

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha DFS, ayaa la filayaa inuu berri subax u ambabaxo  magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda berrito lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Xilli Labaad loo doortay Xilkaasi. Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Munaasabdaas Taariikhiga ah. Sidoo kale, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha DFS, ayaa la filayaa inuu berri subax u ambabaxo  magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda berrito lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Xilli Labaad loo doortay Xilkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Munaasabdaas Taariikhiga ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Caleema-saarkaasi waxaa ka mid ah Hoggaamiyaayasha dalalka Djibouti, Uganda, Tanzania, Ethiopia, Zambia, Botoswana, Togo, Namibia iyo Rwanda.

Waxaa kaloo Munaasabadaasi lagu casuumay Madaxweyne-ku-xigeeno ama Ra’isul-wasaarayaal ka kala socda dalalka Nigeria, Angola, Kongada Dimquraadiga, Burundi, Yemen, Gini, Senegal iyo Yuhuudda.

Wafuudda Heerka Wasiirka ee ka qeyb geli doono Calaeema-saarka Uhuru Kenyatta waxay ka kala imaan doonaan dalalka Britain, South Afrika, Yukrayn iyo Hindiya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wafdiga Dowladda Maraykanka u matali doona Munaasbadaasi waxaa hoggaaminaya Danjirahooda u jooga Kenya, Ambassador Robert Godec.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyad dhan 384 million oe Shillinka Kenya ah ayaa loo qoondeeyey in lagu kharaj gareeyo Munaasbadda Caleema-saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo  lagu qaban doonaa Garoonka Ciyaaraha ee Moi International Sports Centre oo ku taalla Xaafadda Kasaraani ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu ka  qeyb geli doonaa Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe, kaasi oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista lagu qaban doono magaalladda Abijaan ee dalka Ayfori Koosti.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts