HomeCaalamkaDowladda Siishalis iyo Hawlgalka ATALANTA oo ka wada hadlay La-dagaalanka Burcad-baddeeda

Dowladda Siishalis iyo Hawlgalka ATALANTA oo ka wada hadlay La-dagaalanka Burcad-baddeeda

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Kadib, markii ay Saraakiisha Taliska Ciiddanka Badda EU-da ka jooga Xeebaha Somalia ay shalay Dowladda Sishilis ku wareejiyeen 6 Burcad-baddeed Somali ah waxay Labada dhinac yeesheen Kulan loogu xoojinayo Iskaashigooda ku aadan La-dagaalanka Burcad-baddeeda.Madaxweynaha Sishilis, DANNY FAURE waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciiddanka Badda EU-da ee ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia, Admiral Fabiyo […]

- Advertisement -

Kadib, markii ay Saraakiisha Taliska Ciiddanka Badda EU-da ka jooga Xeebaha Somalia ay shalay Dowladda Sishilis ku wareejiyeen 6 Burcad-baddeed Somali ah waxay Labada dhinac yeesheen Kulan loogu xoojinayo Iskaashigooda ku aadan La-dagaalanka Burcad-baddeeda.Madaxweynaha Sishilis, DANNY FAURE waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciiddanka Badda EU-da ee ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia, Admiral Fabiyo Geregori iyo Qunsulka Talyaaniga u jooga Sishilis, KALUUDIYO IZZ.

Admiral Fabiyo Geregori oo ka hadlay Qaabilaadaasi waxa uu Warbixin kooban ka bixiyey Hawlgalkii ay dhawaan ku soo qabteen 6 Burcad-baddeed oo ay Dowladda Sishilis ku wareejiyeen.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweynaha Sishilis iyo Taliyaha Ciiddanka Badda ee Hawlgalka EU-da ee Xeebaha Somalia waxay kaloo ka wada hadleen Xoojinta Iskaashigooda ku aadan La-dagaalanka Burcad-baddeeda iyo Tababaradda ay EU-da siiyaan Ciiddanka Badda ee Jesiiradda SISHILIS.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories