HomeCaalamkaMuwaadin Soomaaliyeed oo Meydkiisa laga helay dalka Sacuudiga

Muwaadin Soomaaliyeed oo Meydkiisa laga helay dalka Sacuudiga

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Sida ay qoreen Warbaahinta dalka Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka, waxaa qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga ka da’ayey Roob xooggan, kaasi oo geystay Khasaare Nafeed iyo Hanti kale. Wiil Soomaali oo 8 jir ah ayaana noqday Dhibanihii ugu horreeyey ee ku geeriyooday Roobka ka da’ay magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas. Habeenkii Talaadada […]

- Advertisement -

Sida ay qoreen Warbaahinta dalka Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka, waxaa qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga ka da’ayey Roob xooggan, kaasi oo geystay Khasaare Nafeed iyo Hanti kale.

Wiil Soomaali oo 8 jir ah ayaana noqday Dhibanihii ugu horreeyey ee ku geeriyooday Roobka ka da’ay magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

- Advertisement -

Habeenkii Talaadada ee la soo dhaafay ayaa la helay maydka Wiilkaasi, waxayna Ciiddanka Jidda sheegeen inay Koronto qabsatay, xilli uu roobka ku dhex lugeynayey.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa amartay in  baaritaano lagu sameeyo dhamaan shilalkii ka dhashay Roobabka, waxaana Baraha Bulshadda lagu dhaliilay Hawsha gaabiska ee Kooxaha Gurmadka.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Sheekh Sacuud Bin C/llaahi Al-mucajab ayaa u fasaxay Hay’addaha Baaritaanka inay soo xiraan, soona taagaan Sharciga kuwa lagu helo inay dayaceen Hawlihii Gurmadka ee dadkii waxyeelladda ka soo gaareen Daadadka ka dhashay roobkaasi.

- Advertisement -

Dugsiyadda Waxbarashadda ee magaallooyinka Jiddah iyo Maka Al-mukarama ayaa si KMG loo xiray,  waxaana uu dib u dhac ku yimid Diyaaradihii  ku degi jirey Garoonka magaalladda Jidda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories