HomeCaalamkaDowladda Ruwanda oo qaabilaysa 30,000 oo Qaxooti ku dhibaataysan dalka Libiya

Dowladda Ruwanda oo qaabilaysa 30,000 oo Qaxooti ku dhibaataysan dalka Libiya

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Haweenyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay inay doonayaan inay qaabilaan Qaxootiga ku nool Libiya, iyadoo ay in ka badan 30,000 oo Qaxooti Afrikaan ah ay la dhibaataysan yihiin Tacadiyo iyo in Addoon laga dhigto. Wasiirada waxay tilmaamtay inay haatan ku jiraan Wada-xaajood oo ay ku ogaanayaan sida u taageeri karaan Qaxootiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Haweenyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay inay doonayaan inay qaabilaan Qaxootiga ku nool Libiya, iyadoo ay in ka badan 30,000 oo Qaxooti Afrikaan ah ay la dhibaataysan yihiin Tacadiyo iyo in Addoon laga dhigto.

Wasiirada waxay tilmaamtay inay haatan ku jiraan Wada-xaajood oo ay ku ogaanayaan sida u taageeri karaan Qaxootiga ku dhibaataysan Libiya, uguna soo dhaweyn lahaayeen Ruwanda.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay inay  soo dhaweyn karaan qiyaastii ku-dhawaad 30,000 oo Qaxooti ah.

Louise Mushikiwabo oo la hadashay Wakaalladda Wararka  ee AFP  ayaa sheegtay inay Ruwanda sida dalalka kale ee Caalamka inay ka argagaxeen Sawiradda Qaxootiga lagu kala iibsanayo, iyadoo ragga Afrtikaanka, Haweenka iyo Carruurta la qabsaday, lagana dhigay Addoon lagu shaqeysto.

Dalka Ruwanda oo baaxad ahaan aad u yar waxaa ku nool ku-dhawaad 12 million oo qof, mana muuqato Deegaano ay degi karaan Kumanaanka Kun ee Qaxootiga ku dhibataysan Libya.

- Advertisement -

Baaqa Dowladda Ruwanda ayaa soo baxay, kadib, markii uu Telefishinka Maraykanka ee CNN baahiyey Muuqaalo muujinaya Dhallinyaro Madow oo lagu kala iibsanayo dalka Libiya.

Dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika ayaa la sheegay inay Qaxootiga Afrikaanka u iibsadaan, si ay uga shaqeeyaan dhul-beereedka.

Telefishinka CNN  waxa uu tilmaamay in dadka la addoonsanayo midkiiba lagu iibiyo wax kayar 50 Dollar.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts