HomeCaalamkaTaliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ee ka hawlgala Somalia oo loo soo...

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ee ka hawlgala Somalia oo loo soo wareejiyey Muqdisho

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Tirada Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay in aad loo kordhiyey sannadkan, lana gaarsiiyey in ka badan 500 oo Askari. Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in boqolaal Askar dheeraad ah u soo daabuleen Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Deegaanka Talooyin ka siinaya Dagaalka lagu jiro Alshabaab iyo Daacish-ta ku sugan Puntland. Afhayeenadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tirada Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay in aad loo kordhiyey sannadkan, lana gaarsiiyey in ka badan 500 oo Askari.

Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in boqolaal Askar dheeraad ah u soo daabuleen Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Deegaanka Talooyin ka siinaya Dagaalka lagu jiro Alshabaab iyo Daacish-ta ku sugan Puntland.

- Advertisement -

Afhayeenadda Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), ROBYAN MARK oo la hadashay Wargeyska POLITICO ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxay sheegtay in la kordhiyey Ciiddanka Maraykanka ka jooga Somalia, iyadoo sheegtay inay horey u ahaayeen 200 Askari, balse sannadkan lana gaarsiiyey in ka badan 500 Askari.

Waxay intaasi ku dartay in muhiimadda Ciiddankaasi tahay La-talin iyo inay taakulenyn siiyaan Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Wargeyska POLITICO waxa uu qoray in Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee SEALS ee ka hawlgala Somalia laga soo wareejiyey dalka Jarmalka, isla markaana haatan si toos ah looga maamulo magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Wargeyska waxa kale oo uu qoray in ay Waaxda Difaaca Maraykanka markii ugu horreysay  Jeneral u soo direen Somalia, kaasi oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto MIGUEL CASTELLANOS.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Saraakiishii Maraykanka ee sannadihii 1990-aadkii Hawlgalka Nabad-ilaalinta u joogay Somalia.

Jenaralkaas waxa uu haatan madax ka yahay Ciiddanka Maraykanka ee ka hawlgala Soomaaliya  ee loo yaqaano Isku-xirka Hawlgalka ee Mogadishu Coordination Cell.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts