HomeCaalamkaGanacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

5 qof ayaa la sheegay in lagu dhex dilay Dukaan uu Ganacsade Soomaali ku lahaa DegmaddaKuwa Dalangezwa ee Waqooyiga Gobalka Kuwazulu-Nataal ee dalkaasi. Toogashadaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 qof oo xaalladooda aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka. Shabakadda Wararka ee enca.com ayaa daabacday ayaa qortay inuu dilkaasi u muuqday isku-day lagu doonayey in lagu dhaco Dukaankaasi. Koox […]

- Advertisement -

5 qof ayaa la sheegay in lagu dhex dilay Dukaan uu Ganacsade Soomaali ku lahaa DegmaddaKuwa Dalangezwa ee Waqooyiga Gobalka Kuwazulu-Nataal ee dalkaasi.

Toogashadaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 qof oo xaalladooda aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee enca.com ayaa daabacday ayaa qortay inuu dilkaasi u muuqday isku-day lagu doonayey in lagu dhaco Dukaankaasi.

Koox hubeysan oo South Afrikaan ah ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen 2 Ilaaladda Ammaanka iyo 3 qof oo ku jirtay Dukaanka, waxayna Burcaddu dhaceen lacag caddaan ah oo dhamayd 50,000 ee Lacagta dalkaasi ee loo yaqaano Randa

Ibraahim Maxamed oo ka mid ahaa Sahqaalaha Dukaanka ayaa sheegay inuu Weerarkaasi ahaa Fal Dhac ahaa, isla markaana ay had iyo jeer ka dhacaan dalka Koonfur Afrika.

- Advertisement -

“Ma dhihi karno weerarka waxa uu xiriir la lahaa Falalka Isir-nacaybka ka jira dalkaasi. Waxa uu weerarku ahaa dhac, maadaama uu sannadku dhamaanayo”ayuu yiri Ibraahim Maxamed.

Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka Bulshadda ee Gobalka  KwaZulu-Natal pp lagu magacaabo  Makolisi Kaunda ayaa sheegay inay ka war heleen Dhaca Hubeysan iyo dilka ka dhacay Dukaanka Soomaalida, isla markaana ay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo dableydii ka dambaysay dilka 5-ta qof iyo dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Burcadda South African-ka dhac iyo dil ka geystaan goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaalida ku leeyihiin dalkaasi.

Xigasho: enca.com

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories