HomeWararLa-yaabka + Sawiro): Diyaaradii ugu weynayd Caalamka oo burburtay

La-yaabka + Sawiro): Diyaaradii ugu weynayd Caalamka oo burburtay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Diyaaradda ugu weyn uguna dheer Caalamka ee The Airlander 10 ayaa maanta ku dhacday dhul goof ah oo ku yaalla Deegaanka Cardington pp ku dhow magaalladda Bedfordshire  ee dalka Britain. Diyaaradda The Airlander 10 waxay saakayto ku soo dhacday Deegaanka Cardington ee duleedka magaalladda Bedfordshire Shilkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney, waxaana la wada xiray Waddooyinka. […]

- Advertisement -

Diyaaradda ugu weyn uguna dheer Caalamka ee The Airlander 10 ayaa maanta ku dhacday dhul goof ah oo ku yaalla Deegaanka Cardington pp ku dhow magaalladda Bedfordshire  ee dalka Britain.

Diyaaradda The Airlander 10 waxay saakayto ku soo dhacday Deegaanka Cardington ee duleedka magaalladda Bedfordshire

- Advertisement -

Shilkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney, waxaana la wada xiray Waddooyinka.

Goobjooge ayaa sheegay in Diyaaradda Markabka oo la dherer ah Garoonka K/cagta in ay cadcad ugu soo dhacday goof ku dhow RAF Cardington.

Sawiro laga soo qaaday Diyaarada ayaa muujinaya burbr xooggan oo ka soo gaaray qeybta hore ee sanka Diyaaradda (the aircraft’s front nose).

- Advertisement -

Diyaaradda The Airlander 10 waxay Duullimaadkii 6-aad ee Tijaabadda dhamaysatay Jimcihii shalay.

Diyaaradan oo culayskeedu dhamaa 20 Tan ayaa waxa uu dhererkeedu dhan yahay 92 mitir, waxaana lagu kharaj gareeyey 100 million oo Pound

Diyaaradaasi waxaa asal ahaan loo horumariyey, si ay Dowladda Britain ugu adeesato dhinaca Sirdoonka, balse markii dambe ayaa la go’aansaday inay dadka Dalxiixsayaasha ku tamashleeyaan.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories