HomeCaalamkaMadaxweynayaasha Uganda iyo Suudan oo ka shiray in la taageero Dhismaha Hay’addaha...

Madaxweynayaasha Uganda iyo Suudan oo ka shiray in la taageero Dhismaha Hay’addaha Ammaanka Somalia

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Suudaan, Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir ayaa dhamaystay Booqasho Rasmi ah oo uu ku tegay dalka Uganda, isagoo Casuumaad ka helay Madaxweyne Yoweeri Museveni.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Labada Madaxweyne Kulan ku yeesheen Aqalka Madaxtooyadda Uganda,oo ku taalla Entebe, waxayna isla eegeen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Xiriirka Labada Dal, Horumarinta Iskaashiga, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo sidii loo dhisi lahaa Shirkad Diyaaradeed oo isaga kala gooshta Caasimadaha labada Waddan.

- Advertisement -

Labada Madaxweyne waxay Kulankooda kadib soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 15 qoddob, iyadoo ay ku jireen Qoddobo khuseeyey Arrimaha dalka Somalia iyo Hawlgalak AMISOM.

Qoddobka 12-aad ee  War-murtiyeedka waxay Labada Madaxweyne ugu baaqeen Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan Dhismaha Hay’addaha Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinaca Ammaanka, si ay Ciiddanka DFS  awood ugu helaan La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Sidoo kale, Qoddobka 13-aadka ee War-murtiyeedka ay soo saareen Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda waxay Beesha Caalamka ka codsadeen inay Hawlgalka AMISOM ka taageeraan dhinacyada Kheyraadka iyo  Awoodaha, si ay Ciiddanka DFS ugu wareejiyaan Sugidda Ammaanka ee Somalia.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories