HomeCaalamka(LA-YAABKA): Ilmo yar oo uu culayskiisu noqday 28 Kiilo !!!

(LA-YAABKA): Ilmo yar oo uu culayskiisu noqday 28 Kiilo !!!

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dalka Meksiko waxa uu hayinka u hayaa Carruurta cayilan iyo kuwa qaba Cuddurka Sonkorta ee Dalalka Calaamka Waxaana maalmahan aad loo hadal-hayaa Wiil 10-bil jir ah, kaasi oo ka culays badan Carruurta kale ee la da’da ah. Wiilkaasi oo lagu magacaabo Luis Manuel Gonzales waxaa la sheegay inay ku adag tahay inuu socdo ama uu  istaago. Waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalka Meksiko waxa uu hayinka u hayaa Carruurta cayilan iyo kuwa qaba Cuddurka Sonkorta ee Dalalka Calaamka

Waxaana maalmahan aad loo hadal-hayaa Wiil 10-bil jir ah, kaasi oo ka culays badan Carruurta kale ee la da’da ah.

- Advertisement -

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Luis Manuel Gonzales waxaa la sheegay inay ku adag tahay inuu socdo ama uu  istaago.

Waxa uu la daalla-dhacayaa Burnaansho iyo Culay, iyadoo uu miisaankiisu yahay 28 Kg.

Luis Manuel Gonzales waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay Qaliin lagu yareeyo Barruurta culayska dheeraadka u keentay.

- Advertisement -

Aabihiisa oo lagu magacaabo Mario Gonzales.oo ka shaqeeya Wershad lagu farsameeyo Sharaabka Casiirka ah ma awoodo inuu iska bixiyo Kharajka lagu daawynayo Wiilkiisa, wuxuuna Aabaha mushaar ahaan  u qaataa 200-Dollar bishiiba.

Dhakhaatiirta waxay weli garan la’ yihiin waxa sababay inuu Wiilkaasi aad u ballaarto.

Markii uu dhashay Luis Manuel Gonzales waxa uu culayskiisu dhamaa 3.5 Kiilogaram, isagoo la miisaan ahaa Walaalkiisa kale ee Mario, oo haaran 3 sdanno jir ah.

Markii uu jiray 2 bilood waxa uu culayska Luis Manuel Gonzales ahaa 10-Kiilo.

8 niloo kadib, waxa uu noqday 18-Kiilo.

Hooyadiisa oo lagu magacaabo Isabel Pantoja waxay sheegtay inay u malaynayso inuu wiilkeeda ku cayilay caanaha naaskeeda.

“Waxaan u malaynayaa inay taasi ugu wacan tahay caanaha wanaagsan ee naaskayga” ayey tiri Hooyadaasi oo 21-jir ah oo Saxaafadda kula hadashay guriga ay ku nool yihiin oo ku yaalla DegmaddaTecoman oo ku taalla Gobalka Colima  ee kaabiga ku haya Xeeta Badda Baasifik.

Waalidka Luis Manuel Gonzales waxay samaysteen Bog Facebook iyo Xisaab-lacageedka Bangi ( A bank account) si taageero Lacageed loogu soo shubo Wiilkooda cayil-dhaafka noqday.

Hooyadiisa waxay naaska siisaa iyadoo xambaarsan ama dhinac u jiifta, waxayna u adkeysataa culayska Wiilkeeda oo aysan tahli Karin inay muddo kor u xambaarsanaanto.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaalladda Wararka ee AFP waxaa kaloo lagu sheegay inay Waalidkiisa sas iyo naxdin ka qaadeen, markii uu Dhakhatar ku takhasusay Carruurta ( A Pediatrician) u sheegay iyaga inuu Wiilkooda u baahan yahay Cirbadda nooca (Hormone injections). Iyadoo qiimaha halkii Cirbad  gaarayso qiimo dhan yahay 555 Dollar ($555 ).

Wiilka yar ee Luis Manuel Gonzales waxaa la sheegay in lagu sameeyey Baaritaano badan, mana jiro qof si dhab ah u taqaana waxa ka qaldan Xaalladda Caafimaadka ee Wiilkaas yar..

Xigasho: AFP

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts