HomeCaalamkaDonald Trump:- “Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waa i caayey, wuxuuna iigu yeeray Duq”

Donald Trump:- “Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waa i caayey, wuxuuna iigu yeeray Duq”

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa hadalkaasi maanta ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, wuxuuna tilmaamay in Hoggaamiyaha W/Kuurya, Kim Jong Un uu isagu caayey, uguna yeeray Duq. Trump waxa kale oo uu xusay inuusan isaga marnaba ugu yeerin Kim Jong Un inuu yahay Nin Gaaban oo Buuran “Short and fat). Mid ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa hadalkaasi maanta ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, wuxuuna tilmaamay in Hoggaamiyaha W/Kuurya, Kim Jong Un uu isagu caayey, uguna yeeray Duq.

Trump waxa kale oo uu xusay inuusan isaga marnaba ugu yeerin Kim Jong Un inuu yahay Nin Gaaban oo Buuran “Short and fat).

- Advertisement -

Mid ka mid ah Qoraalladda uu Tweet-gareeyey Madaxweyne Trump waxa uu ku qoray: “Muxuu Kim Jong Un iigu caynayaa Duq, Anigoo aan weligey ugu yeerin isaga Nin gaaban oo buuran?”

Waxa uu intaasi ku daray: Oh, hagaag. Waxan si adag isugu tijaabiyey inaan noqdo Saaxiibkiisa, lagana yaabo inay maalin uun dhici doonto arrintaasi”.

Donald Trump ayaa hadalkan bixiyey, kadib, markii uu ka qeyb galay Shirweynaha Madaxda dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasafik ee loo yaqaano APEC.

- Advertisement -

Madaxweyne Trump waxa uu horey aflagaao iyo cabsi-gelin u jeediyey Hoggaamiyaha W/Kuurya, iyadoo ay taagnayd Xiisadda ka dhalatay Barnaamijka Nukliyeerka iyo Gantaalladda ee dalkaasi.

Waxa uu Trump xilligaasi sheegau inay ka hortegi doonaan Qorshaha W/Kuurya ku doonayaan inay ku soo weeraraan Maraykanka.

Bishii September ee la soo dhaafay, Hoggaamiyaha W/Kuurya waxa uu Donald Trump ku tilmaamay Nin uusan Dhimirkiisa miisaanayn

Hadalkaasi ayaa yimid, kadib, markii uu Trump ku goodiyey inuu burburin doono dalka W/Kuurya oo ay ku nool yihiin 26 milyan oo qof..

Milliteriga dalka W/Kuurya waxay bishii Setember 3-dii ee sannadkan tijaabiyeen  Gantaalkii 6-aad ee Hubka Nukliyeerka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories