HomeCaalamka(Warbixin) Bixitaanka AMISOM oo tijaabin u ah Hawlgalka Maraykanka ee Somalia

(Warbixin) Bixitaanka AMISOM oo tijaabin u ah Hawlgalka Maraykanka ee Somalia

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ciiddanka hoos taga Hawlgalka AMISOM ayaa bilaabayo inay Ka-bixitaan Qorsheysan uga baxaan Somalia, marka la gaaro dabayaaqadda bisha December ee soo socota, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada iyo cabsida laga qabo Alshabaab.

Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia waxay dhibaato ku noqon kartaa Hawlgalka Maraykanka ka wasdo gudaha Somalia.

- Advertisement -

Maraykanka waxaa Somalia ka jooga in ka badan 500 Askari, kwuaasi oo haatan ka shaqeynayo..

Daad-gureynta Ciiddamadda ka kala socda 5-ta Waddan ee Jabuuti, Uganda, Burundi, Ethiopia, iyo Kenya ayaa la qorsheeyey, kadib, natiijadda Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2373, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykaanka.

Qaraarkaasi waxa uu Hawlgalka AMISOM awood u siiyey inay Hawlgalka sii wadaan ilaa bisha May ee sannadka 2018-ka, iyadoo Tirada Ciiddanka lagu soo koobi doono 21,626 Askari, marka la gaaro bisha  December 31-da ee sannadka 2018-ka.

- Advertisement -

Toddobaadkii la soo dhaafay, Madaxa Midowga Afrika ee Hawlgalka Amisom, AmbassadorFrancisco Madeira waxa uu shaaciyey inay bilaabanayso qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia, iyadoo la filayo inay 1,000 Askari la daad-gureeyn doono dabayaaqada bisha soo socota ee December.

Khubarada ayaa rumeysan in Ka-bixitaankaasi muuqaal kale u yeeli karo Gobalka, iyadoo labadii bilood ee la soo dhafaay ay qaraxyo iyo dilal ka dhaceen Somalia.

Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Robyn Mack ayaa sheegay inay in ka badan 500 Askar Maraykan ah joogaan Somalia , isla markaana la dardar gelinayo Tababarada Ciiddanka Somalia, kuwaasi oo  horumar sameeyey iyagoo Taageero ka helaya Caalamka.

Marka la isku duubo, Xaalladda Ammaanka ee Somalia ayaa u muuqata mid aan la soo dhaweyn Karin.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM, Robyn Mack Qiimeyn ay sameeyeen Taliska AFRICOM waxay sheegaysaa inay Somalia ka hawl-galaan  3,000 ilaa 6,000 oo Dagaalyahano Alshabaab, kuwaasi oo uu xusay inay ku xooggan yihiin Koonfurta Soomaali oo ay Taariikgh Joogitaan ku leeyihiin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay inay iyo 250 ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenka Taliska Milliteriga AFRICOM waxa uu xusay inay DFS maamusho wax ka yar 60% dhulka Somalia, iyadoo Dagaalamayaasha Alshabaab 20% ka maamulaan Somalia, halka Kooxda Daacish 1% ka joogaan dhulka Puntland, waa sida uu hadalka u yiri,

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan Qiimeyn Rasmi ah oo laga sameeyey saamiga dhuleed ee ay DFS iyo Alshabaab ka maamulaan Gyiga Somalia ee ay dagaalladu kala qoqobeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories