HomeCaalamkaDowladda Tunisia oo kordhisay Xukunka Deg Degga ee saaran dalkaasi

Dowladda Tunisia oo kordhisay Xukunka Deg Degga ee saaran dalkaasi

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi ayaa go’aansaday inuu muddo 3 bilood ku kordhiyo.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in AWood dheeraad ah la siiyey, isla markaana la mamnuucay Dibadbaxyada iyo Kulamada ay dadweynuhu isugu yimaadeen.

- Advertisement -

Hadalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha aaya lagu sheegay in sababta loo kordhiyey Xilliga Xukunka Degdegga ayaa ah iyadoo dhawaan Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska dalkaasi lagu dilay meel ku dhow Dhismaha Barlamaanka dalkaasi oo ku yaalla magaalladda TUUNIS.

Ninka dilka geystay ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Xukunka Degdega ee saaran dalkaasi ayaa  la soo rogay bishii November ee sannadkii 2015-ki, kadib, markii ay ka dhaceen weeraro Hubeysan, oo uu ka mid ahaa Weerar ka dhacay Madxafka BARDO oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee TUUNIS, laguna dilay 22 qof iyo Weerarkii kale ee ka dhacay Hotel ay deggaan Dalxiisayaasha, waxaana lagu dilay 38 qof.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories