HomeWararJubbaland oo Gacanta ku dhigtay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland oo fal...

Jubbaland oo Gacanta ku dhigtay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland oo fal kufsi iyo dhaawac u geystay Gabar 16 jir ah

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso. Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Warsame kana mid ah Ciidamada Badda Puntland […]

- Advertisement -

Wararka ay Dalsan ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Gaar ahaan kuwa Sirdoonka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Puntland kaas oo fal kufsi iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.

Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Warsame kana mid ah Ciidamada Badda Puntland ayaa waxa uu fal Kufsi iyo dhaawac ah isugu daray mid ka mid ah Gabdhaha ku noolaa Boosaaso oo 16 jir ah taasoo haatan lagu daweynayo Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Ciidamada Sirdoonka Jubbaland ayaa Askarigaan sida dadka Kismaayo ay Dalsan u sheegeen ka soo qabteen Guriga Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo oo ay Ehel yihiin kaas oo uu ku dhuumanayay.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in lagu wareejiyo Ciidamada Sirdoonka Maamulka Puntland Askarigaan falka kufsiga iyo dhawaca geystay si halkaasi loogu Maxkamadeeyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay Magaca iyo Sawirka Gabadha dhibaatada uu Askariga u geystay, taas oo keentay in dadaal badan lagu bixiyo sidii loo soo qaban lahaa Askariga dhibtaan geystay ugu dambeyna Kismaayo laga soo qabtay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories