HomeCaalamkaDekedda Berbera oo la sheegay in laga hirgelinayo Goobo Ganacsi cusub oo...

Dekedda Berbera oo la sheegay in laga hirgelinayo Goobo Ganacsi cusub oo Xor ah

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday Qorshe ay Mashruuca Deegaanka Xorta ah (Free Zone) la hirgelin doono. kadib marka ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland bishan November 13-da. Shirkadda Dubai Ports World (DP World) oo bishii Marso ee sannadkan lagu wareejiyey Dekedda Berbera ayaa soo bandhigtay  Qorshahaasi, xilli ay […]

- Advertisement -

Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday Qorshe ay Mashruuca Deegaanka Xorta ah (Free Zone) la hirgelin doono. kadib marka ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somaliland bishan November 13-da.

Shirkadda Dubai Ports World (DP World) oo bishii Marso ee sannadkan lagu wareejiyey Dekedda Berbera ayaa soo bandhigtay  Qorshahaasi, xilli ay weli cabasho ka jirto Nidaamka Maamul ee Dekedda Berbera.

- Advertisement -

Wargeyska Al-bayaan ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in Guddoomiyaha, ahna Sarkaalka Guud ee Hawl-fulinta ee Shirkadda DP World, Sultaan Axmed Bin Sulaymaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire  shalay kulan ku yeesheen magaalladda Dubai.

Labada  mas’uul ayaa la sheegay inay qalinka ku duugeen Heshiiskii Koowaad ee Qorshaha Mashruuca Free Zone-ka looga hirgelin doono Dekedda Berbera.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan DP Wotld iyo Maamulka Somaliland, kuwaasi oo aan la shaacinin magacyadooda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda DP World, Sultaan Axmed Bin Sulaymaan waxa uu sheegay inayMashruucaasi la  dhamaystiri doonaan Dowladda soo socota ee Somaliland, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay danaynayaan inuu sii socdo Iskaashiga labada dhinac.

Mashruuca cusub ee la sheegay in laga hirgelin doono Dekedda Berbera ayaa la sheegay inuu u dhigmi doono Nidaamka ay ku shaqeyso Dekedda Jebel Cali ee magaalladda Dubai.

Shirkadda DP World waxay sheegtay in hadafka laga leeyahay Qorshaha Free Zone tahay sidii loo dhiiri-gelin lahaa Ganacsi, Abuurista Shaqooyin Cusub iyo Maalgashiga.

Heshiiska Hordhaca ee ay DP World iyo Maamulka Somaliland kala saxiixdeen ayaa dhigaya inay DP World codsan doonto Heerarka Mashruuca Deegaanka Xorta (Free Zone)-ka ee Dekedda Berbera, iyadoo Wejiga Koowaad ee Mashruucaasi dabooli doonto 4 KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah  12.2 KM ee Isku Wareegga ah ee uu lahaan doono Mashruucaasi.

Hadafka Mashruucaasi ayaa ah qorshaha ballaaran ee Shirkadaha dhinacyadda Kaydadka,. Loojistikada, Ganacsatada, Wershadleyda  iyo qeybaha kale ee Ganacsiga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories