HomeCaalamkaDabley weerartay Telefishin ku yaalla Caasimadda Afganistan ee Kabul

Dabley weerartay Telefishin ku yaalla Caasimadda Afganistan ee Kabul

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dhismaha Telefishinka Khaasdka ee Shamshad TV ayaa la soo weriyey inay kooxo hubeysan weerareen.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Shamshad TV ayaa u sheegay Warbaahinta kale ee TOLO News inay kooxo hubeysan xoog ku soo galeen Dhismaha Tv-ga, kadib, markii ay qarax ku soo jebiyeen Ganjeelka Weyn ee Xarunta Telefishinkaasi.

- Advertisement -

Qoraal  la soo dhigay Narta Twitter-ka  ee Shamshad TV ayaa lagu sheegay inuu khasaaro soo gaaray qaar ka mid ah Shqaalaha Telefishinka ee ku jira gudaha Dhismaha la weeraray.

Xubno ka tirsan Shaqaalaha oo lagula hadlay Telefoonka ayaa sheegay in 2 ilaa 5 qof u muuqdaan kuwo la dilay..

Afhayeenka Boliska Kabul, Basir Mujahid aaya sheegay inay khasaaro jirran, balse aan weli la ogeyn tiradooda.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu weerarku ku bilowday arax lala beegsaday Ganjeelka Dhismaha Tv-ga, kadibna ay dabley hubeysan fudaha u galeen, iyadoo Mid ka mid ah dableyda  la dilay.

Weriye Hishmat Istankazi pp ka tirsan Weriyayaasha Shamshad TV oo ka soo baxsaday Weerarkaasi ayaa u sheegay BBC-da inay weli dableyda ku jiraan gudaha Dhismaha TV-ga.

Dhinaca kale,  Telefishinka Shamshad  oo  Luqadda PASHTO looga hadlo, ayaa la soo sheegay inay joojiyeen Barnaamijyaddii Caadiga, iyadoo Shaashadooda weli laga arkayo sawir oo keliya.

Ma jirto koox sheegatay Weerarkaasi, waxayna Ururka Daalibaan beeniyeen inay ku lug leeyihiin Weerarkaasi.

Weerarka  lagu qaaday Shamshad TV  ayaa ah kii ugu dambeeyey  ee lagu dilayo Suxufiyiinta iyo Shaqaalaha ka hawl-gala  Xarumaha Warbaahinta ee dalka  Afganistan.

Sannadkii la soo dhaaday, 7 xubin oo ka  tirsan Shaqaalaha Telefishinka TOLO ayaa lagu dilay, Is-qarxin uu geystay nin ka tirsan Kooxda Daalibaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories