HomeCaalamkaSacuudiga oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen iyo 40-Sarkaal

Sacuudiga oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen iyo 40-Sarkaal

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay Liiska Argagixisadda ku dartay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, C/maalik Al-xuuti iyo 40 Sarkaal oo la shaqeysa. Liiska waxaa kaloo ku jira Madaxa Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta, Saalax Al-samad iyo Gacan-yarayaal kale. Dowladda Sacuudiga waxay Hoggaamiyha Xuutiyiinta iyo 40-Sarkaal dul dhigtay lacag dhan  ilaa 30-million oo Dollar. Kharajkaasi ayaa la sheegay in la […]

- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay Liiska Argagixisadda ku dartay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, C/maalik Al-xuuti iyo 40 Sarkaal oo la shaqeysa.

Liiska waxaa kaloo ku jira Madaxa Golaha Siyaasadda Xuutiyiinta, Saalax Al-samad iyo Gacan-yarayaal kale.

- Advertisement -

Dowladda Sacuudiga waxay Hoggaamiyha Xuutiyiinta iyo 40-Sarkaal dul dhigtay lacag dhan  ilaa 30-million oo Dollar.

Kharajkaasi ayaa la sheegay in la siin doono qof kasta oo keenta Warbixin horseedi karta in la soo xiro Hoggaamiyaha Xuutiyiinta iyo Saraakiisha kale.

Dowladda Sacuudiga ayaa Abaalmarinta Lacageed oo dhan 30 million oo Dollar ku dhawaaqday, kadib, markii la burburiyey Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta la maaganaayeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee King Khalid oo ku taalla caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

- Advertisement -

Gantaalkaasi Balaastikada ah ee ay Xuutiyiinta adegsadeen ayaa lagu magacaabaa Borkan H2,wuxuuna wax ka dili karaa masaafo dhan 800 oo KM.

Duqeyntaasi kadib, waxay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga qaadeen Labaatameeyo weerar oo ay la beegsadeen Xarumaha Xuutiyiinta ku leeyihiin caasimadda dalka Yemen ee Sanca iyo magaalladda Sacda.

Dhismayaasha sida xooggan loo duqeeyey waxaa ka mid ah Dhismaha Wasaaradaha Gaashaandhiga, Gudaha iyo Golaha Ammaanka Qaranka ee Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga waxay ku dhawaaqeen inay wada xireen dhamaan Xuduudaha Badda, Dhulka iyo Cirka ee dalka Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories