HomeCaalamkaHawlgalka AMISOM oo bilaabay qorshihii ay Somalia kaga bixi lahaayeen

Hawlgalka AMISOM oo bilaabay qorshihii ay Somalia kaga bixi lahaayeen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay inay wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan oo qeybta ugu horreysa ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi lahaayeen Somalia sannadka soo socda ee 2018-ka. Waxa uu intaasi ku daray inay Dhaqdhaqaaqyadda ka socdaan dhamaan Fariisimadda AMISOM, si loo bilaabo daad-gureyntooda, sida […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay inay wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan oo qeybta ugu horreysa ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi lahaayeen Somalia sannadka soo socda ee 2018-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dhaqdhaqaaqyadda ka socdaan dhamaan Fariisimadda AMISOM, si loo bilaabo daad-gureyntooda, sida ku cad Qaraarkii ay sannadkan soo saareen Golaha Ammaanka ee QM ee uu Tirgiisu ahaa 2327.

- Advertisement -

Qaraarkaasi ayaa lagu qeexay Istaraatijiyadda ay Ciiddanka AMISOM si tartiib-tartiib ah uga soo bixi lahaayeen Somalia oo ay joogeen tan iyo sannadkii 2007-dii.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Qaranka Somalia ku wareejin doontaa Hawlaha Amniga, wuxuuna ugu hambalyeeyey Tababrka ay qaateen iyo awoodda ay u leeyihiin Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay inay Istaraatijiyadda Dhaqdhaqaaqyadda Ciiddanka AMISOM sii socon doonaan Toddobaadyadda soo socda, iyadoo aysan wax u dhimi doonin Xilliga Bixitaankooda ee Adeegyadda Ammmaanka iyo in hubaal laga dhigo Bad-qabka Ummadda Soomaliyeed..

- Advertisement -

War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka AMISOM, Kolonel Wilson Rono ayaa ku soo beegmay xilli uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhawaaqay inay Ciiddanka Dowlad qaadi doonaan Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Shalay ayaa ahayd, markii Madaxweynaha DF iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ay Kulan la qaateen Taliska Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM oo looga hadlay Istaraatijiyadda Dagaalka uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts