HomeCaalamkaBoqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jirtay oo lagu qabtay Xeebaha Turkiga

Boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jirtay oo lagu qabtay Xeebaha Turkiga

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Dooni nooca Kalluumeysaiga oo laga leeyahay dalka Giriiga, taasi oo ay la socdeen 310 Tahriibayaal. Doonidaasi ayaa la sheegay in shalay galab lagu joojiyey Xeebta magaalladda  Dardanelles ee Galbeedka Turkiga ee Badda Ajiyan, xilli ay ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga. Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Dooni nooca Kalluumeysaiga oo laga leeyahay dalka Giriiga, taasi oo ay la socdeen 310 Tahriibayaal.

Doonidaasi ayaa la sheegay in shalay galab lagu joojiyey Xeebta magaalladda  Dardanelles ee Galbeedka Turkiga ee Badda Ajiyan, xilli ay ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga.

- Advertisement -

Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen in Tahriibayaasha la qabtay ay ka soo kala jeedeen Somalia, Syria, Pakistan, Afganistan, Hindi, Iiraan iyo Sri Lanka.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay badankooda ka soo kala jeedeen Syria iyo Pakistan.

Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha Turkiga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 9 Mukhalasiin u kala dhalatay Turkiga iyo Bella Ruusiya, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay Tahriibayaasha si qarsoodi ah ku geyn lahaayeen Xeebaha Giriigga.

- Advertisement -

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa horey u sheegtay inay in ka badan 867,000 oo Tahriibayaal ah gaareen dalka Giriigga, kuwaasi oo laga tahriibiyey dalka Turkiga.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories