HomeCaalamkaDhageyso:-Turkiga oo sheegay in Maraykanka iyo Isbahaysiga NATO taageersan yihiin Saldhiggooda Milliteri...

Dhageyso:-Turkiga oo sheegay in Maraykanka iyo Isbahaysiga NATO taageersan yihiin Saldhiggooda Milliteri ee Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi. Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”)  waxa hordhac ahaan loogu […]

- Advertisement -

Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi.

Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”)  waxa hordhac ahaan loogu muujiyey in Saldhigga Milliteriga Turkiga ka furtay caasimadda Somalia ee Muqdisho loo adeegsanayo Akadeemiyad Milliteri, iyadoo  ay 200 Askar Turkish ah u joogaan halkaasi sidii ay u dhisi lahaayeen Ciiddan Somalia oo waxtar leh.

- Advertisement -

Wargeyska Daily Sabah waxa uu sii qoray inay Turkiga walaac xooggan ka qabtay Somalia tan iyo Dagaalkii 1988 ka qarxay Somalia iyo Faragelintii Maraykanka ee ay Hawlgalka Milliteri ku soo galeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii.

Wargeyska waxa uu ku sheegay Sababtii Istaraatijiyadda ee ka dambeysay Faragelintii Maraykanka ee Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka doonaynin inay Kooxaha Xag-jirka qabsadaan Talada dalka Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Diyaaradaha iyo Maraakiibta maraan.

Wargeyska SABAH DAILY waxa kale oo uu qoray inuu Milliteriga Mraaykanka ku guuleysanin inuu Somalia ka dhigo dal Deggan, ilaa ay sannadkii 1994-kii oo laga soo daad-gureeyey gudaha Somalia.

- Advertisement -

Wargeyska waxa kale oo soo hadal qaaday Hawlgalka ay Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia iyo Dib-u-furista Safaaradii Maraykanka ee sanadkii 2014-kii laga furay Muqdisho.

Wargeyska waxa uu xusay in Tan iyo xilligaasi inay Maraykanka kala shaqeynayeen Dowladda Somalia La-dagaalanka Alshabaab

Wargeyska waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey inay Turkiga doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan haatan Hawlgal Xaqiijinta inay Turkiga yihiin Isbahaysi Maraykan.

Wargeyska DAILY SABAH waxa uu Qormadiisa si cad ugu muujiyey inay Dowladda Turkiga ka caawin doonto Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh Dagaalka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska waxa uu bidhaamiyey inay Turkiga ka shaqeynayaan Geeska Afrika iyagoo Xiriir buuxa kala leh Maraykanka iyo ibshaysiga NATO, lagana feejigan yahay Damaca  Iiraan iyo Iiraan ee Istaraatijiyadda dalKa Somalia.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta iyo Wariye Cabduqaadir Jakaarta

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories