HomeWararDhageyso:-Puntland oo Nus-Milyan Dollar ku wareejisay Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka+Sawirro

Dhageyso:-Puntland oo Nus-Milyan Dollar ku wareejisay Wasaaradda Gargaarka iyo Guddiga Gurmadka+Sawirro

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Galinkii dambe ee Sabtidii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho’ujeedka imaashaha wafdigaan ayaa aheyd deeq lacageed oo ay ku wareejiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Qaranka. Lacagta ayaana waxa ay katimid Bulshada Puntland ee ku dhaqan Gudaha dalka iyo dibada ,waxaana lacagtaan oo gaareysaa Nus-Milyan Dollar […]

- Advertisement -

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Galinkii dambe ee Sabtidii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho’ujeedka imaashaha wafdigaan ayaa aheyd deeq lacageed oo ay ku wareejiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Qaranka.

Lacagta ayaana waxa ay katimid Bulshada Puntland ee ku dhaqan Gudaha dalka iyo dibada ,waxaana lacagtaan oo gaareysaa Nus-Milyan Dollar Gudiga Puntland ay ka soo uruuriyeen Bulshada ku nool deegaanada Maamulkaas Puntland.

- Advertisement -

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland C/llaahi Cali Xirsi Timacade ayaa Suxufiyiinka kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka nimid Puntland agaar ahaan Boosaaso, waxaana halkaan u joognaa in dowladda Soomaaliya aan ku wareejino deeq aan ugu talo galnay dadkii Walaalaheena ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii Musiibada ahaa ee 14 Bishii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayuu yiri Wasiirka”

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiboonka ayaa ee Xukuumadda Soomaaliya Cilmi Cumer Ceynsane ayaa dhankiisa ka mahadceliyay doorka ay puntland ka qaadaneyso gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee Zoobe oo 14-bishii October halkaas oo dad badan ay ku le’deen.

- Advertisement -

Waa markii labaad oo ay Puntland deeq soo gaarsiiyo Guddiga Gurmad Qaran iyo Wasaarada Gargaarka tan iyo Markii Musiibada qaran,waxaa wali socda gurmadka qaran oo Soomaalida intooda badan  ka qeyb qaadanayaan Gurmadkaas.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Codadka Masuuliyiinta.

 

 

Cilmi Cumer Ceynsane Wasiir Kuxigeenka Gargaarka Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdullahi Cali Xirsi Timacade

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories