HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf ah  la qaatay  Wasiiradda Warfaafinta Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo Magaaladda Muqdisho u joogay iyo Wariyeyaasha Madaxa banaan ee Soomaaliya ka howl gala. Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho sharaf ah  la qaatay  Wasiiradda Warfaafinta Dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo Magaaladda Muqdisho u joogay iyo Wariyeyaasha Madaxa banaan ee Soomaaliya ka howl gala.

Kulanka Cashada ah waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wehlinaya Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow, Wasiirada Warfaafinta Dowlad goboleedyada iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka looga hadlay arrimo badan oo Warbaahinta Soomaaliyeed ku saabsan iyo doorka horumarka dalka ay ka qaataan.

- Advertisement -

Kulanka Qodobaddii lagu soo qaaday oo ugu weynaa waxaa kamid ah Muhiimadda Saxaafadda ay leedahay, doorka ay ka qaataan Wacyi gelinta Bulshada, ka qeyb qaadashada Dagaal Dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in Guud ahaa Meelaha ay kaga dhuumanayaa Argagixisada Alshabaab dalka ay kaga xoreyso iyo arrimo kale.

Wasiiradda Warfaafinta Dowlad goboleedyada, ayaa Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay Shirweyne Wadatashi ahaa oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada, waxaana shirkaasi ay uga hadleyn sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii Wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo addeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Magaaladda Muqdisho ka socday.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories