HomeWararDhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo digniin ka soo saaray diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga

Dhageyso:-Maamulka G/Hiiraan oo digniin ka soo saaray diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne. Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan sababta keentay diidmada Lacagta Shilin Soomaaliya ee Magaalada Baladweyne.

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay iney wadaan daba-gal iyo xog uruurin ku aaddan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay iney arrintani ka dambeeyaan qaar ka mid ah Ganacsatada Baladweyne, wxuuna ugu baaqay iney bulshada dan yarta ah ka qaadaan cunaqabataynta ay saareen haddii kale lala xisaabtami doono.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga,waxanay sheegeen qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka (EVC PLUS)  oo aan la wada awoodin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Xuseen Cisman Cali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories