HomeCaalamkaBoliska Britain oo jir-dilay Muwaadin Somali ah oo u shaqeeya Telefishin

Boliska Britain oo jir-dilay Muwaadin Somali ah oo u shaqeeya Telefishin

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maaha Raseq oo ah Saxafiyad u shaqeysa Telefishinka Arabi (Araby TV) ayaa cabsi darteed shalay la ooysay, kadib, markii ay 2 Askari oo ka tirsan Adeegga Boliska ee Meto Police  awood dheeraad ah u adeegsadeen si ay u xiraan Cali Deeq oo ka mid ah Shaqaalaha Telefishinkaasi ee ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda London. Telefishinkaasi oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maaha Raseq oo ah Saxafiyad u shaqeysa Telefishinka Arabi (Araby TV) ayaa cabsi darteed shalay la ooysay, kadib, markii ay 2 Askari oo ka tirsan Adeegga Boliska ee Meto Police  awood dheeraad ah u adeegsadeen si ay u xiraan Cali Deeq oo ka mid ah Shaqaalaha Telefishinkaasi ee ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda London.

Telefishinkaasi oo  la asaasay sannadkii 2015-kii waxaa si lacag la’aan ah lagu  daawan karaa Kanaalkooda.

- Advertisement -

Maaha Raseq waxay sheegtay inay Labada Askari ku tacadiyeen Dareewalka Soomaalida ee Cali Deeq, isla markaana ay dhulka seexiyeen, ka hor intaysan gacmaha kaga xirin Katiinad.

Waxay intaasi ku dartay inay Labada Bolis damiyeen Kameeradda ku xirnayd Laabtooda inta ay sida xun u jir-dilaayeen Dhibanaha.

Mid ka mid ah Boliska oo magaciisa ku sheegay ROSA  waxa uu ku goodiyey inuu Cali Deeq ku garaaci doono dhulka, kadib, markii uu Dhibanaha ka dhiidhiyey  in la jeebadeeyo.

- Advertisement -

“Cali Deeq ma fahamsanayn waxa dhacayo, markii ay gaariga xoog kaga soo bixiyeen” ayey tiri Saxafiyaddaas,  oo intaasi ku dartay inay xaqiiqa ahaan Askarta ku tunteen Xuquuqda Asaasiga ee Dhibanaha Soomaaliga.

Dhinaca kale, Askarta waxay markii dambe iska sii daayeen Cali-deeq, iyagoo aan wax dacwad ah ku soo oogin, balse ay sheegeen inay u maleeyeen inuu soo xaday gaariga uu waday.

Dhibanaha ayaa isagana u sheegay Saxaafadda in mid ka mid ah Boliska ugu hanjabay inuu ka jebin doono Gacanta, isla markaana uu igu dul dhiday muddadii ay dhulka ku jeebadeeyeen.

Tacadigan xanuunka badan ayaa lagu kacay Cali Deeq, xilli ay isaga iyo Saxafiyadda Maaha Raseq marayeen meel ku dhow Garoonka OLYMPIA STADIUM  ee K/galbeed ee magaalladda London.

Ugu dambeyntii, Dhacdadii ayaa is-bedeshay, kadib, markii Askartii ku baraarugeen inay Maaha Raseq ahayd Weriye.

Waxay kaloo sheegeen inay raadinayeen Nin caan ah oo Gaadiidka dhaca, kaasi oo ay isku magac yihiin Cali Deeq, waa sida ay ku doodeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts