HomeCaalamkaMufti Ismaaciil Menek oo laga mamnuucay dalka Singapore

Mufti Ismaaciil Menek oo laga mamnuucay dalka Singapore

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Dowladda Singapore waxay soo cusbooneysiiyey Amar ay kaga mamnuucday inuu dalkooda  inuu soo galo  Mufti Ismaaciil Menek oo u dhashay dalka Zimbabwe, waxayna sheegtay inay Aragtidiisa abuurayso Isku-dhac Diimeed, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sheekh Ismaaciil Menek waxa uu in ka badan Labo milyan oo Taageerayaal ah ku leeyahay Bartiisa Twitter-ka.

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Singapore soo saartay ayey ku sheegtay in Go’aanka lagu diiday Codsiga Mufti Menek, kadib, xog ku aadan waxa loogu yeeray Kala-qeybintiisa Barashadda Diinta.

Wasaaradda waxay kaloo ku eedeysay Mufti Ismaaciil Menek inuu sheegay inaan Muslimiinta loo oggoleyn inay salaamaan dadka kale ee haysta Diimaha kale munaasabadah ay ugu dabaal degaan Diimahooda.

Dowladda Singapore waxay horey dalkeeda uga mamnuucday Sheekh Haslin Bin Baharim oo u dhashay dalka Malaysia, kaasi oo qorsheynayey inuu Casharo Diin ka bixiyo dalkaasi dabayaaqadda bishan November.

- Advertisement -

Waxay ku eedeeyeen Baharim waxa ay ugu yeereen Aragtidiisa uu ku diidan yahay Xiriirka Muslimiinta iyo dadka aan Muslinka ahayn.

Sida laga soo xigtay Hay’adda abaabushay Socdaalka Sheekh Ismaaciil Menek ee Islamic Cruise waxa uu jadwalku ahaa inuu Sheekhu Silsilado Muxaadaro ah jeediyo shanra maalmood ee uu joogi lahaa Singapore.

Muxaadarooyinka Diiniga ee uu jeedin lahaa Muftiga u dhsahay dalka Zimbabwe waxaa ka mid noqon lahayd  mid uu Cinwaankeeda ahaa: “Tubta lagu gaari karo Janadda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Singapore waxaa la sheegaa inay caburin ku hayso Diimaha iyo Xorriyadda Hadalka, iyadoo ay dalkaasi Madaxweyne ka tahay Haweeney Muslimad ah oo lagu magacaabo Xaliina Yacquub.

Waxay horey u ahaan jirtey Afhayeenka Barlamaankii 9-aad ee dalka Singapore, muddadii u dhexeysay  bishii January ee sannadkii 2013  ilaa bishii August ee sannadkan 2017-ka..

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories