HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  la qaatay madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug. Farmaajo ayaa la kulmay Maxamed Xaashi Carabeey  Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug, Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Aadan Maalin. Kulankaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid hordhac ah […]

- Advertisement -

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  la qaatay madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Farmaajo ayaa la kulmay Maxamed Xaashi Carabeey  Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug, Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo iyo sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Aadan Maalin.

- Advertisement -

Kulankaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid hordhac ah islamarkaana xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee isku bedeshay xilka qaadis.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu masuuliyiintaan u yeeray,waxana sidoo kale Muqdisho ku sugan kana qeybgalaya shirka Wadatashiga Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xildhibaanada qaar ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco kulan ay qaban qaabadiisa leedahay Madaxtooyada kaas oo la iskugu keenayo Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories