HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xiggeenka Dalka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne ku xiggeenka Dalka Sudan

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Wafdigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo u joogay Suudaan , ayaa Magaaladda Khartuum ee Xarunta dalkaasi  kula kulmay Madaxweyne ku xiggeenka dalka Suudaan,  Xasabuu Maxamed C/raxmaan oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne ku xiggeenka, ayaa inta kulankooda uu socday waxa ay iska soo hadal qaadeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Iskaashiga dhinaca amniga ee labada wadan, dimoqraadiyeynta, horumarinta addeegyada Bulshada iyo siyaabaha tooska ah ee wax wada qabsiga labada Dal ee dhinaca dimoqraadiyeynta.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday,  isagoo u mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Suudaan.

Waxaa kale uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Magaaladda Khartuum maanta kula kulmay Xeer ilaaliyaha guud ee Dalkaasi Mudane  Cumar Axmed Maxamed oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Madax banaanida iyo qaab dhismeedka Garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Mudane Ibraahim Maxamuud Xaamid oo ah Kaaliyaha Madaxweynaha Sudan ahna Xogahayah Guud Xisbiga talada haya  ee Dalkaasi oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada Wadan iyo habka sameynta Axsaabta Siyaasadeed, maadaaama Soomaaliya uu hadda ay u  diyaar garoobeeyso Nidaamka Axsaabta Siyaasadeedka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa waxa booqasho Sharafeed u tagay Xarunta Aqalka labaad ama Golaha Wakiilada  Dowlad goboleedyada ee Jamhuuriyadda dalkaasi suudaan, waxaana halkaasi uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka labaad ee wakiilada Dowlad goboleedyada Jamhuuriyadda Suudaan oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin ,xiriirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada, Habraaca ay u ilaaliyaaan danaha walaayaadka iyo nidaamka xukunka iyo sidoo kale Awooddaha loo dhaadhiciyay  Bulsahada dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa booqday Isbitaalka suudaan ee la geeyay qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay Musiibadii 14-October ka dhacay Isgooyska 14.ka October Ex zoobe ee Magaaladda Muqdisho, isagoo ALLE  uga baryay in caafimaad deg deg uu siiyo.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories