HomeWararAkhriso:-Wararkii u dambeeyay ee shirka Madaxda dowladda iyo Dowlad goboleedyada

Akhriso:-Wararkii u dambeeyay ee shirka Madaxda dowladda iyo Dowlad goboleedyada

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Shirka Madasha Wadatashiga madaxda dowladda iyo Dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda Magaalada Muqdisho iyada oo waqtigii loogu talo galay in la soo gaba gabeeyo uu dhaafay maadaama aysan jirin wax rasmi ah oo isku afgartay. Madaxda oo shirkoodu uu qaatay waqti dheer ayaa haatan ka doodaya arrinta keentay khilaafka Madaxda labada dhinac ee Go’aanka […]

- Advertisement -

Shirka Madasha Wadatashiga madaxda dowladda iyo Dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda Magaalada Muqdisho iyada oo waqtigii loogu talo galay in la soo gaba gabeeyo uu dhaafay maadaama aysan jirin wax rasmi ah oo isku afgartay.

Madaxda oo shirkoodu uu qaatay waqti dheer ayaa haatan ka doodaya arrinta keentay khilaafka Madaxda labada dhinac ee Go’aanka gaarista xiisada u dhaxeysa Wadamada Khaliijka.

- Advertisement -

Xogaha ay Dalsan heleyso ayaa waxa y sheegayan in Madaxda ay jiraan waxyaabo ay isku afgarteen oo ay ka mid yihiin in siwadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo ka Shaqeynta dhanka Amniga.

Qodobada inta badan ay isku khilaafsan yihiin ay salka ku haya arimaha Dastuurka taas oo keentay in hoggaamiyayaasha Madaxda Dowlad goboleedyada ay dalbadaan in uu shirka ka qeybgalo Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Arrimaha ugu weyn ee Shacabku sugayaan ayaa ah xalka gaarista khilaafka u dhaxeeya Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada taas oo ka dhalatay kadib markii khilaafka Wadamada Carabta ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotay halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay taageereen Xulufada Sacuudiga.

- Advertisement -

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu shir gudoomiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si waqtigi dhow uu shirkaas Warmurtiyeed looga soo saaro

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories