HomeCaalamkaAl-Shabaabkii weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 oo la sheegay inay wateen Aqoonsiga...

Al-Shabaabkii weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 oo la sheegay inay wateen Aqoonsiga Hay’adda Sirdoonka Ee NISA

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee  23-qof ku dishay Hotelka Naasa Hablood 2 ay isticmaaleen Kaararka Aqoonsiga ee Hay’adda Sirdoonka ee NISA (intelligence service ID cards).

Wargeyska ayaa qoray in 5-tii qof ee weerarka ku galay Hoteelkaasi ay wateen Labiska u gaarka NISA, kadib, markii gaari Xamuul lagu qarxiyey Albaabka hore ee laga galo Hoteelkaasi.

Alshabaabka weerarakaasi fuliyey waxay Kaararka NISA, u fududeysay inay galaangal u yeeshaan inay galaan gudaha Hoteelka.iyo inaan wax shaki ah laga qaadin markii ay galeen gudaha Hoteelkaasi, waa sida uu qoray Wargeyska The Guardian.

Wargeyska waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan NISA, oo magaciisa lagu sheegay Kolonel Axmed Yare inay ragga weerarka ku qaaday Hoteelka ay wateen Waraaqaha Aqoonsiga ee Hay’adad NISA.

“Waxay wateen Kaararka NISA oo ay si cad uga muuqdeen magacyo, Darajo iyo Sawiro. Taasi oo keentay inaysan Saraakiisha Boliska joojinin iyaga” ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan NISA.

Wargeyska The Guardian waxaa kale oo uu qoray in Isticmaalka Labiska u gaarka Hay’adda NISA ay sare u qaaday Walaaca laga qabo suurto-galnimadda inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhex jiraan xubnaha hoose ee Ciiddamadda, waa sida uu qoray Wargeyska.

Qaraxii Hotelka Naasa Hablood kadib, waxay Dowladda Federalka xilalkii ka qaaday Taliyihii Boliska Soomaaliyeed, Jeneral C/xakiim Daahir Saciid “Saacid” iyo Agaasimaha Hay’adda NISA. C/llaahi Maxamed Cali Sambalooshe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories