HomeCaalamkaAl-Shabaabkii weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 oo la sheegay inay wateen Aqoonsiga...

Al-Shabaabkii weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 oo la sheegay inay wateen Aqoonsiga Hay’adda Sirdoonka Ee NISA

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee  23-qof ku dishay Hotelka Naasa Hablood 2 ay isticmaaleen Kaararka Aqoonsiga ee Hay’adda Sirdoonka ee NISA (intelligence service ID cards). Wargeyska ayaa qoray in 5-tii qof ee weerarka ku galay Hoteelkaasi ay wateen Labiska u gaarka NISA, kadib, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee  23-qof ku dishay Hotelka Naasa Hablood 2 ay isticmaaleen Kaararka Aqoonsiga ee Hay’adda Sirdoonka ee NISA (intelligence service ID cards).

Wargeyska ayaa qoray in 5-tii qof ee weerarka ku galay Hoteelkaasi ay wateen Labiska u gaarka NISA, kadib, markii gaari Xamuul lagu qarxiyey Albaabka hore ee laga galo Hoteelkaasi.

- Advertisement -

Alshabaabka weerarakaasi fuliyey waxay Kaararka NISA, u fududeysay inay galaangal u yeeshaan inay galaan gudaha Hoteelka.iyo inaan wax shaki ah laga qaadin markii ay galeen gudaha Hoteelkaasi, waa sida uu qoray Wargeyska The Guardian.

Wargeyska waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan NISA, oo magaciisa lagu sheegay Kolonel Axmed Yare inay ragga weerarka ku qaaday Hoteelka ay wateen Waraaqaha Aqoonsiga ee Hay’adad NISA.

“Waxay wateen Kaararka NISA oo ay si cad uga muuqdeen magacyo, Darajo iyo Sawiro. Taasi oo keentay inaysan Saraakiisha Boliska joojinin iyaga” ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan NISA.

- Advertisement -

Wargeyska The Guardian waxaa kale oo uu qoray in Isticmaalka Labiska u gaarka Hay’adda NISA ay sare u qaaday Walaaca laga qabo suurto-galnimadda inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhex jiraan xubnaha hoose ee Ciiddamadda, waa sida uu qoray Wargeyska.

Qaraxii Hotelka Naasa Hablood kadib, waxay Dowladda Federalka xilalkii ka qaaday Taliyihii Boliska Soomaaliyeed, Jeneral C/xakiim Daahir Saciid “Saacid” iyo Agaasimaha Hay’adda NISA. C/llaahi Maxamed Cali Sambalooshe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts