HomeWararSaddex ka mid ah dadkii weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 oo la qabtay

Saddex ka mid ah dadkii weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 oo la qabtay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shalay gelinkii dambe ayaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa lagu weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada muqdisho qaraxaasna waxaa xigay rag Gudaha u galay Hotelka kuwaas oo ka daagalamay. Dad farabadan ayaa weerarkas ku geeriyooday halka Masuuliyiin kale la soo badbaadiyay. Xalay ilaa saakay Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa ku howlanaa badbaadinta dadkii ku […]

- Advertisement -

Shalay gelinkii dambe ayaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa lagu weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada muqdisho qaraxaasna waxaa xigay rag Gudaha u galay Hotelka kuwaas oo ka daagalamay.

Dad farabadan ayaa weerarkas ku geeriyooday halka Masuuliyiin kale la soo badbaadiyay.

- Advertisement -

Xalay ilaa saakay Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa ku howlanaa badbaadinta dadkii ku jiray Gudaha Hotelka.

Dadka Caanka ah ee ilaa iyo hadda ku geeriyooday waxaa ka mid ah Cabdi Naasir Gaarane oo horay u soo noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9,aad Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha hadana waxaa uu ka mid ahaa Guddiga taakuleynta Ciidamada.

Sidoo kale taliyihii Saldhiga Booliiska Deeyniile iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maodobe Nuunoow marna ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ciidamada amniga oo iskudayay in howlgalkaas ay wadeen in ay dadkaasi hotelka ku jiray ay badbaadiyaan ugu dambeyna ay soo gaba gabeeyeen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/Casiis Xildhibaan oo Saxaafada kula hadlayay Afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in Raggii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab Saddex ka mid ah haatan Gacan lagu haayo.

Xaalada Goobta xiligaan waa ay wanaagsan tahay waxaana la arkayaa Burburka xoogan ee soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha kale eek u dhaw dahw.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories