HomeCaalamkaQM iyo Maraykanka oo si kulul u cambaareeyey Weerarkii Hoteelka Naasa...

QM iyo Maraykanka oo si kulul u cambaareeyey Weerarkii Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Muqdisho

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ayaa sheegay inay cambaaraynayaan qaraxyadii shalay ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho. Qoraal uu Hawlgalka UNSOM soo dhigay Barta Twitter-ka (@UNSOM) ayaa  lagu sheegay in ay u tacsideynayaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia. Michael Keating […]

- Advertisement -

Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ayaa sheegay inay cambaaraynayaan qaraxyadii shalay ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho.

Qoraal uu Hawlgalka UNSOM soo dhigay Barta Twitter-ka (@UNSOM) ayaa  lagu sheegay in ay u tacsideynayaan qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi,

- Advertisement -

Sidoo kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia. Michael Keating ayuu ku sheegay in Muqdisho ay mar kale shalay ka dhaceen Qaraxyo

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ugu tacsideeyey Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen 2-dii qarax ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Michael Keating waxa kaloo uu Twitterkiisa ku qotay inay Alshabaab sheegteen mas’uuliyadda dhimashadad dadka badan ee rayidka ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Twitterka Hawlgalka Maraykanka ee Somalia (US Mission in Somalia) ayaa lagu qoray inay u tacsideynayaan Qoysaska iyo Saxiibadda ay dadkooda ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen Weerarkaasi, isla markaana ay garab taagan yihiin.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories