HomeCaalamkaSomaali laga soo masaafurin lahaa Kanada oo mar kale fursad loo siiyey...

Somaali laga soo masaafurin lahaa Kanada oo mar kale fursad loo siiyey inuu sii joogo dalkaasi

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa laashay go’aan lagu soo masaafurin lahaa Cabdul Cabdi, kaasi oo isagoo 6 jir ahaa Qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi. Garsoore Richard Southcott ayaa sheegay inaan Ninkaasi loo masaafurin doonin Somalia, sida uu qorshuhu ahaa marka uu soo dhamaysto Xabsiga uu haatan ku jiro. Cabdul Cabsi oo ah Aabe 23-jir leh gabar yar […]

- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa laashay go’aan lagu soo masaafurin lahaa Cabdul Cabdi, kaasi oo isagoo 6 jir ahaa Qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi.

Garsoore Richard Southcott ayaa sheegay inaan Ninkaasi loo masaafurin doonin Somalia, sida uu qorshuhu ahaa marka uu soo dhamaysto Xabsiga uu haatan ku jiro.

- Advertisement -

Cabdul Cabsi oo ah Aabe 23-jir leh gabar yar ayaa horey loogu xukumay Xabsi 5 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu weeraray Sarkaal Bolis inuu dhici jirey Gaadiidka oo uu si xawli ah ku wadi jirey.

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii uu Cabdul Cabdi la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Kanada, oo uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in la dilo, haddii dib loogu celiyo Somalia, wuxuuna codsaday inuu doonayo inuu nolol sharaf leh gabadhiisa kula noolaado dalka Kanada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories