HomeWararKhilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada kadib markii Agaasimayaal...

Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada kadib markii Agaasimayaal shaqada laga eryay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dhawaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya waxa Magacaabay Agaasime guud oo Cusub kadib markii uu Agaasimihii guud ee waxbarashada iyo kii Tacliinta sare uu ku qanciyey in ay xilalkaas ka tagaan isaga oo mideeyey labada Agaasime una Magacaabay Xasan Taata oo muddo dheer la taliye ka ahaa wasaaradda. Wasaaradda oo leh sideed agaasime waaxeed ayaa hadda Wasiir […]

- Advertisement -

Dhawaan Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya waxa Magacaabay Agaasime guud oo Cusub kadib markii uu Agaasimihii guud ee waxbarashada iyo kii Tacliinta sare uu ku qanciyey in ay xilalkaas ka tagaan isaga oo mideeyey labada Agaasime una Magacaabay Xasan Taata oo muddo dheer la taliye ka ahaa wasaaradda.

Wasaaradda oo leh sideed agaasime waaxeed ayaa hadda Wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan waxa uu shaqadii ka eryay 4 Agaasime oo kusoo badalay kuwo kale dhinaca kalana 4 kale ayuu ku sameeyey isku shaandhayn isaga oo geeyay waxyo cusub.

- Advertisement -

Arrintaas waxa ay dhalisay buuq badan iyada oo shir deg deg ah ay maanta isugu yimaadeen Wasiirka Wasaaradda waxbarashada ku xigeenkiisa iyo Wasiiru dowlaha, warar ay  Dalsan heleyso ayaa sheegaya in shirkaas uu ku soo dhammaaday is faham darro kadib markii Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowluhu ay ka horyimaadeen tilaabada uu qaaday Wasiir C/raxmaan Daahir.

Hadda waxaa guud ahaan istaagay shaqadii wasaaradda Waxbarashada iyada oo dhegta ay shaqaaluhu u taagan sida uu xaalku ku dhammaan doono.

Dhinaca kale waxaa laga yaabaa in arrintaas ay saamayn ku yeelato kullan looga hadli lahaa qorshaha waxbarashada kaas oo berri ka dhici lahaa Muqdisho oo Wasaaraddu ku casuuntay bahda waxbarashada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories