HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.

Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka  Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

“Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinaca amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxaana rajeynayaa inaan sii xoojinno dadaallada aan ku bixineyno xasilloonida gobolka iyo horumarkiisa.”

Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa uga tacsiyeeyo Madaxweyne Farmaajo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxii Soobe, waxa uuna ballan qaaday in uu garab istaagayo Dowladda Soomaaliya oo dhawaan bilaabeyso hawlgallo military oo dalka looga sifeynayo Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Desaglen ayaa ugu baaqay dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay sii labo-laabaan dadaallada lagu dabargoynayo argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Soomaaliya, dalkiisuna uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo ka guulaystay argagixisada, xasilooni darrada siyaasadeed iyo tan amni.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories