HomeWararSawirro:-Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Sawirro:-Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo AMISOM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Cabduweli Jaamac Gorod taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo uu ugu horeeyay Taliyaha ciidamada AMISOM Gen, Cusmaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale. Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay u bilaabi laahayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cabduweli Jaamac Gorod taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo uu ugu horeeyay Taliyaha ciidamada AMISOM Gen, Cusmaan Nuur Subagle iyo Saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay u bilaabi laahayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo Saacado ka hor ay ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya howlgalkooda ay bilaabi doonan sidoo kalena la bilaabi doono dib-udhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

“Anaga iyo AMISOM waan isku afgaranay in siwadajir ah loola dagaalamo Al-Shabaab isla markaana degmooyinka ay weli kaga harsan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya laga saro taasina ay ka Go’an tahay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayuu yiri taliye Gorod”

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen, Cusmaan Nuur Subagle ayaa isna dhankiisa sheegay in AMSIOM ay diyaar u tahay la Shaqeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolada ay ka joogaan Soomaaliya.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Saraakiishii halkaasi ku kulantay ayaa markale ku balamay in ay galaan mid la mid ah kulankan kaas oo ay kaga arrinsan doonaan sii xoojinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts