HomeCaalamkaSawirro:-Soomaalida ku nool dalka Maleesiya oo bilaabay Olole loogu gurmanayo dadkii ku...

Sawirro:-Soomaalida ku nool dalka Maleesiya oo bilaabay Olole loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay Qarixii M/Muqdisho

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaaalada kuwalalambuur ee Caasimadda dalka Maleesiya ayaa bilowday olole ballaaran oo ay gurmad ugu sameynayaan walaalohoodii qasaaruhu ka soo gaaray xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho 14kii bishan Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Maleesiya AMB Abuukar Cabdi Cismaan ayaa u sheegay Radio Dalsan in isku duubni weyn y muujiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee […]

- Advertisement -

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaaalada kuwalalambuur ee Caasimadda dalka Maleesiya ayaa bilowday olole ballaaran oo ay gurmad ugu sameynayaan walaalohoodii qasaaruhu ka soo gaaray xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho 14kii bishan

Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Maleesiya AMB Abuukar Cabdi Cismaan ayaa u sheegay Radio Dalsan in isku duubni weyn y muujiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi markii uu soo gaaray warka ku saabsan xasuuqa muqdisho ka dhacay iyagoo aan u kala harin ganacsatada ardayda jaamacadaha iyo shacabka sida caadiga ah u degan intuba

- Advertisement -

Danjiruhu wuxuu intaas kudaray in habeenkii xalayto kulanweyne soomaaliyeed oo ka dhacay Kuwalalambuur  aad loogu muujiyay dareen murugo leh oo ay ku garab taagan yihiin dowladooda iyo shacabkooda ayna halkaas ka bilaabeen deeq uruurin sida ugu dhaqsiyaha badana y u geyn doonaan Magaalada Muqdisho qalab caafimaad dawooyin iyo agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka ayna ku wareejin doonaan guddiyadii loogu tala galay wuxuuna shacabka soomaaliyeed ugu baaqay iney meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed ayna u midoobaan cadowgooda iyagoo xooga saaraya gurmadka dadka dhibaneyaasha ah

Dhinaca kale Danjiruhu waxaa uu xusay inuu kulamo muhiim ah la qaatay madaxda wadanka maleysiya sida ra’isul wasaare datuk Seri Najiib Razak  uu warbixin kasiiyay khasaaraha ballaaran ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed qaraxii lagu hoobtay ee muqdisho iyo sida ugu sahlan ee dowlada maleesiya gurmadkaasi uga qeyb qaadan karto

Astaamaha dowlada maleysiya ay ku muujisay murugada ay laqeybsatey dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ahaa taalada caanka ah ee magaalada oo laga shiday nal gaar ah oo bixinaya calaamad murugo ah

- Advertisement -

Dhismaha safaarada soomaaliya ee wadankaasi ayaa calankii hoos loo dhigay mudo sadax cisho ah kaas oo habeenkii xalay mar kale sare loo qaaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories