HomeCaalamkaXoghayaha Guud ee QM oo si gaar ah uga tacsiyeeyey dadkii ku...

Xoghayaha Guud ee QM oo si gaar ah uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxii Zoope

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu xalay la kulmay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta QM ee magaalladda New York waxa uu si Shaqsi ahaan ugu gudbiyey dhambaalkiisa Tacsida ee ku aadan dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxaasi.

- Advertisement -

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inuu Xoghayaha Guud ee QM codsaday inuu si Khaas ah ula kulmo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed, kadib, qaraxii ka dhacay Muqdisho oo noqday Qarixii ugu dhimashada badnaa Caalamka sannadihii la soo dhaafay.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inuu Antonio Guterres xaqiiq ahaan doonayey inuu u gudbiyo Tacasidiisa, lana hadlo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed oo isaga Xarunta Dhexe ee QM kaga qeyb galayo  Shirka Dhaqdhaqaaqa ee Toddobaadka Afrika “The Africa Week activities”.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu bishii March ee sannadkan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho,  si uu u soo qiimeeyo Macluushii ka jirtay Somalia.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories