HomeWararDhageyso:-Sarkaal Sirdoon ah oo laga soo xigtay in Qarixii Zoobe lala damacsanaa...

Dhageyso:-Sarkaal Sirdoon ah oo laga soo xigtay in Qarixii Zoobe lala damacsanaa Saldhigga Militariga Turkiga ee Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegtay inay Sarkaal ka tirsan Sirdoonka NISA ka soo xigteen Xogtaasi. Sarkaalkaasi oo aan la shaacinin magaciisa ayaa sheegay in xogo Sirdoon oo la helay Qaraxa ka hor iyo warbixin la soo ururiyey Qaraxa kadib muuinayaan in Qaraxaasi lala maaganaa Saldhiga Milliteriga Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho. Saldhigaasi […]

- Advertisement -

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegtay inay Sarkaal ka tirsan Sirdoonka NISA ka soo xigteen Xogtaasi.

Sarkaalkaasi oo aan la shaacinin magaciisa ayaa sheegay in xogo Sirdoon oo la helay Qaraxa ka hor iyo warbixin la soo ururiyey Qaraxa kadib muuinayaan in Qaraxaasi lala maaganaa Saldhiga Milliteriga Turkiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Saldhigaasi oo si rasmi ahaan loo furay  bishii September 30-dii, waxaana ka hawl galaya in ka badan 300 Askar Turkish ah.

Saldhigaas waxaa la qorsheynayaa in lagu tababaro 1,500 Askari oo ka tirsan Ciiddanka DFS.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adad NISA horey u heshay Warbixin ku aadan inay Alshabaab qorsheynayaan inay weeraraan Saldhiga Milliteriga Turkiga, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Warbixina waxaa kaloo lagu sheegay inay Saraakiisha Ammaanka Somalia su’aalo weydiinayaan Dareewalkii waday Gaari noociisu ahaa TOYOTO NOAH, kaasi oo ay sheegeen in la qabtay maalintii Sabtiga, wax yar kadib, markii uu qaraxu ka dhacay Isgosyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.

Warbixinta waxay Ilo aan la shaacinin ka soo xigatay inuu Dareewalka gaarigiisa joojiyey, kadibna uu Telefoon diray, iyadoona dadweynaha ay Ciiddanka u soo far muuqeen Dareewalka waday Gaariga NOAH-da, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Warbixinta VOA-da  ayaa shaacisay inay ilo dhinaca Sirdoonka u xaqiijiyeen in 4 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Qaraxaasi la xiray,

Warbixinta oo sheegtay inay ka soo xigteen Saraakiil iyo Xog Sirdoon ayaa waxaa kaloo lagu xusay inay Hay’adda NISA aqoonsatay Ninkii fuliyey Qarixii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soope.

Geesta kalena, Wargeyska the Guardian ee ka soo baxa magaalada London ayaa shalay daabacay in Ninkii fuliyay qaraxaasi uu horey uga tirsanaa ciidanka DFS kaasi oo Al-shabab sanadkii 2015.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA weli war rasmi ah kama soo saarin Qaraxii Is-goyska Zoope iyo haddiiba ay jiraan Baro cayiman oo  la qorsheynayey  in lala beegsado. Inkastoo Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London qoray in Qaraxaasi la doonayey in lala beefsado Dhismayaasha AMISOM iyo QM ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan Aadan Cadde, halka au Idaacadda VOA-da oo sheegtay in qaraxaasi lagu weerari lahaa  Saldhiga Milliteriga Turkiga ku leeyihiin Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta oo uu Akhrinayo Wariye Cabduqaadir Jakaarta

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories